Sawirro dadka ka barakacay dagaalka Gaalkacyo

Dagaalka magaalada Gaalkacyo ka socda tan iyo 7-dii Oktobar waxaa ku barakacay sida Qaramada Midoobay ay sheegtay dad ka badan 65 kun oo qof, oo ay ku jiraan dadkii ku noolaa xeryaha dadka ka barakacay dagaaladii sokeeye ee dalka.

Xigashada Sawirka, UN

Qoraalka sawirka, Tan iyo intii uu dib u bilaabmay dagaalka Gaalkacyo in ka badan 65,000 oo qof ayaa ka barakacay dagaalka

Xigashada Sawirka, UN

Qoraalka sawirka, In ka badan 80% dadka barakacay ayaa u badan dumar, carruur iyo waayeel, iyadoo meelaha ay ku barakaceen dadka ay ka mid tahay degmada Xaar-xaar

Xigashada Sawirka, UN

Qoraalka sawirka, Dhamaan xeryihii barakacyaasha ee Gaalkacyo ayaa laga qaxay dagaalka dartii

Xigashada Sawirka, UN

Qoraalka sawirka, Magaalada Gaalkacyo oo kor laga sawiray. Waxaa istaagay dhamaan adeegii waxbarashada iyadoo ay dadka u qaxeen magaalada banaankeeda

Xigashada Sawirka, UN

Qoraalka sawirka, Hayadaha gargaarka ayaa u qaybinaya gargaar dadka ku barakacay degmada Xaar-xaar ee banaanka Gaalkacyo