Amnesty oo eedeysay dowladda Suudaan
Xigashada Sawirka, AMNESTY INTERNATIONAL
Hay'ada xuquuqul insaanka u dooda ee Amnesty International ayaa sheegaysa in dowlada Sudan ay kiimiko u isticmaashay dadka gobolka Darfur.
Hay'adu waxay sheegaysaa in tan iyo bishii Janaayo ee sanadkan, labo boqol oo qof oo ay ku jiraan caruur ay u dhinteen hubka kiimikada ah ee loo adeegsaday.
Dadkan ayaa lala dhacay sida warbixinta Amnesty ay sheegayso banbaanooyin kiimiko ah.
Qaar dadkan ka mid ah ay waxyeeladu ka soo gaartay hubkan ayaa dhiig hunqaacay, waxaana sidoo kale ay waxyeelo soo gaartay maqaarka jirkooda.
Dowlada Sudan ayaa muddo 13 sano ah la dagaalamaysay mucaaradka ka dagaalama gobolka Darfur.
Colaada dalka Sudan waxaa ku dhintay 300,000 oo qof, ku dhawaad Saddex milyan oo kalena waa ay ku barakaceen.
Wararka ugu waaweyn
Xul
Ugu Aqris Badan
Macluumaadkan lama heli karo