Muddaharaadyo ka dhacay Argentina
Xigashada Sawirka, Reuters
Kummanaan kun oo qof ayaa dalka Argentina waxa ay isugu soo bexeen dibadbax ka dhan ah siyaasadda dhaqaale ee madaxweyne Mauricio Macri.
Dibadbaxayaasha ayaa isugu soo baxay Casa Rosada oo ah xarunta dowladda, waxaana halkaasi lagu soo gabagabeeyay muddaharaadyo socday muddo saddex maalmood ah.
Tan iyo markii uu Macri la wareegay xukunka dalkaasi bishii Decvember ee sandkii hore ayaa waxa uu shaqadii ka eryay kummanaan ka tirsan shaqaalaha dowladda, waxa uuna dhimay kaalmadii ay dowladda bixin jirtay si loo yareeyo kharashka ku baxaya dowladda.
Ururada shaqaalaha dalkaasi ayaa waxa ay ku hanjabeen in ay ku dhaqaaqi doonaan shaqo joojin ballaaran haddii uu madaxweynaha ka laaban waayo tallaabada uu qaadayo.
Wararka ugu waaweyn
Xul
Ugu Aqris Badan
Macluumaadkan lama heli karo