Turkiga: 30 ku dhimatay qarax ka dhacay xaflad aroos
Xigashada Sawirka, AP
Saraakiil xagga ammaanka ah ooku sugan Turkiga ayaa sheegay in ugu yaraan 30 qof ay ku dhinteen, in ka badan 90-nna ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay meel ay ka socotay xaflad aroos.
Weerarkan ayaa ka dhacay magaalada ku taalla koofur bari dalkaasi ee Gaziantep.
Ku xigeenka Ra'iisul wsaaraha Turkiga, Mehmet Simsek, wuxuu sheegay inay u muuqato in weerarka uu qaaday qof is qarxiyey, wuxuuna ku tilmaamay weerar fulaynimo ah.
Waxaa la tuhunsanyahay in weerarkaasi ay gaystay kooxda la magac baxday Dawladda Islaamka.
Wararka ugu waaweyn
Xul
Ugu Aqris Badan
Macluumaadkan lama heli karo
{{rankTranslation}}