Qoraal uu ku qoray Truth Social, Trump wuxuu yiri “horumar badan ayaa la sameynayaa” waxa kale oo jirta in Homan uu la kulmi doono Frey Talaadada.
War degdeg ah: Maxaa ka jira in ciidammadii la geeyay Minneapolis ay baxayaan?
Xigashada Sawirka, Reuters
Madaxa Ilaalada Xuduudaha, Dan Bovino, iyo qaar ka mid ah wakiilladiisa ayaa ka tagi doona Minneapolis kaddib markii Alex Pretti la toogtay Sabtidii, sida ay sheegtay CBS News oo wada shaqayn la leh BBC-du.
Tani waxay ka dambeysay cadho xooggan ay ka dhalatay sida saraakiisha sare ee federaalka, oo ay ku jiraan Bovino iyo Xoghayaha Amniga Gudaha, Kristi Noem, ay uga jawaabeen toogashada.
Imaaraadka Carabta oo war cusub soo saaray
Xigashada Sawirka, Google
Isu tagga Imaaraatka Carabta ayaa sheegay in aanu ogolaan doonin in hawadiisa, dhulkiisa ama biyihiisa loo isticmaalo ficillo milateri oo ka dhan ah Iiraan. Bayaanka oo adkeeyay go’aanka dhexdhexaadnimada ayaa lagu soo saaray xilliga markab dagaal oo Mareykan ahi uu gaaray Bariga Dhexe.
Toban talo oo ku socota dadka da'doodu u dhexeyso 30 ilaa 40 jir
Qofka marka uu gaaro da'da 30, waxaa sii kordhaya culeyska iyo mas'uuliyadda saaran qofka, tusaale ahaan waxaa sare u kacaya tartamada loogu jiro ganacsiga, shaqooyinka iyo soo dhacsashada nolol maalmeedka, qofka waa in uu diiradda saaraa noloshiisa iyo tan qoyska, inta badan waxaa dhacdaa in dadka qaar aysan muhiimad gaar ah siin caafimaadkooda.
Khuburrada waxay sheegayaan in dadka da'dooda u dhexeyso 30 ilaa 40 waa inay daryeelaan jirkooda isla markaana ay ka fakaraan caafimaadkooda.
Waxaa muhiim ah in la raaco talooyinkan si looga dhabbeeyo oraahda ah "Ka hortagga wuxuu wanaagsan yahay daweynta", qofka marka uu fiiro gaar ah u yeesho jirkiisa wuxuu iska ilaalin karaa cudurrada ka dhasha gabowga iyo qaab nololeedka khaldan.Halkan ka akhriso
Aqalka Cad oo ka hadlay xaaladda Minnesota
Aqalka Cad ayaa sheegtay in maamulku uu baadhayo dilka Alex Pretti.
Leavitt ayaa ku eedaysay mas’uuliyiinta heer gobol iyo heer degmo ee Minnesota in ay masuul ka yihiin fowdada iyo rabshadaha ka dhashay kadib markii saraakiil federaal ah si ballaaran loogu soo diray gobolka, taas oo keentay mudaharaadyo iyo in ugu yaraan laba Mareykan ah ay ku baxaan gacanta saraakiisha.
Waxaanay diidday in ay ku celiso hadalladii hore ee mas’uuliyiinta maamulka ee ku tilmaamay Pretti “qof samaynayay isku day dil" iyo in uu ahaa “argagixiso gudaha ah”, iyadoo sheegtay in madaxweynuhu doonayo in baardhtaanku si caadi ah u socdo.
Donald Trump iyo Tim Walz oo wadahadal ka yeeshay xiisadda Minnesota
Donald Trump iyo Tim Walz ayaa yeeshay wicitaan “wax ku ool ah”, sida uu sheegay guddoomiyaha Minnesota, isagoo sheegay in uu madaxweynaha ku cadaadiyey baahida loo qabo baadhitaan dhex-dhexaad ah oo lagu sameeyo toogashooyinkii dhawaan ay sameeyeen saraakiisha federaalka ee gobolka.
Pretti, oo ahaa muwaadin Mareykan ah oo 37 jir ah, ayaa la toogtay oo la dilay Sabtidii intii lagu jiray bannaanbaxyo ka dhacayay Minneapolis.
Saacadihii la soo dhaafay, madaxweynuhu wuxuu beddelay fariintiisa, isagoo isku dayaya in uu la falgalo dareenka dadweynaha isaga oo si degdeg ah u debcinaya siyaasadaha socdaalka, ayuu qoray wariyaha Waqooyiga Ameerika Anthony Zurcher.
7 qof ayaa ku dhimatay diyaarad ku burburtay gobolka Maine ee Mareykanka
Xigashada Sawirka, APTN / WABI
Toddobo qof ayaa ku dhintay hal qofna si daran ayuu u
dhaawamcay kaddib markii diyaarad yar oo gaar ah ay dhacday xilli ay ka
duuleysay garoonka Bangor gobolka Maine ee dalka Mareykanka.
Shilka ayaa dhacay iyadoo duufaan baraf ah ay ka socoto
qeybo badan oo Mareykanka ah taas oo ay ku dhinteen dhowr qof, waxayna
korontada ka go’day boqollaal kun.
Duuliyaha ayaa la sheegay in uu arki waayay garoonka ka hor
inta aysan diyaarada dhicin.
Warbixin kooban oo soo baxday maanta oo Isniin ah ayey hay’ada
duulista feearkalka ku sheegtay in diyaarad siday sideed qof ay “ku burburtay duruufo aan la ogeyn markii
ay kaceysay”.
Garoonka Bangor ayaa sheegay in dhacdadan kaddib la xiray
iyadoo kooxaha gurmadka degdegga ay howshoodu wataan.
Barafka ayaa saameeyay garoomada diyaaradaha Philadelphia,
Washington DC, Baltimore, North Carolina, New York iyo New Jersey.
Xuutiyiinta ayaa ku hanajabay in ay weerarayaan maraakiibta Badda Cas
Xigashada Sawirka, EPA-EEE/REX/Shutterstock
Xuutiyiinta Yemen ayaa ku hanjabay in ay weerarayaan
maraakiibta mareya badda taas oo ah isku day ay ku taageerayaan Iran kadidb
markii madaxweyne Donald Trump uu ku hanjabay in uu tallaabo militeri ka
qaadayo Iran oo la xiriirta dibadbaxyada dalka ka socda.
Fidiyow ay soo bandhigeen Xuutiyiinta ayaa waxaa ku jiray
sawirada Markab gubanaya oo ay ku qoran tahay “taas ayaa dhaceysa”.
Xutiyiinta ma bixin faahfaahin intaas dheer balse hore ayey
u weerareen maraakiib boqol ka badan oo marayay Badda Cas taas oo ay ku
doonayeen in ay Isreal ku saaraan cadaadis.
Kooxda ayaa joojisay weerarada kaddib markii heshiis
nabadeed laga gaaray Gaza, waxayna ka digeen in ay diyaar u yihiin in ay dib u
bilaabaan weeraradooda hadii loo baahdo. Kooxda waxay sidoo kale ku rideen
boqolaal gantaal Israel labadii sano ee la soo dhaafay
Hanjabaadda Xuutiyiinta ayaa ku soo aaday kaddib markii
markabka USS Abraham Lincoln ee qaada diyaaradaha dagaalka lagu arkay isagoo ku
socda dhinaca Bariga Dhexe.
Madaxweyne Trump ayaa wakiil gaar ah u dirsaday Minnesota
Xigashada Sawirka, EPA/Shutterstock
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Minnesota u diraya
Tom Homan oo ah wakiil isaga gaar u ah kaddib markii ciidamada federalka ay
toogteen Alex Pretti.
Homan waa “qof adag balse caadi ah, si toos ah ayuuna iigu
soo warinayaa” ayuu ku qortay Trump bartiisa bulsho.
“Goobtaas kuma uusan lug
laheyn balse wuu yaqaan, dad badan oo halkaas joogana way jecel yihiin”.
Homan waa 64 jir, shaqadana ka soo bilaabay booliska ka hor
inta uusan ku biirin ciidamada ilaalada xuduudaha.
Madaxweynihii hore Mareykanka Barack Obama ayaa sanadkii
2013-kii u magacaabay madaxda laanta masaafurinta ee hay’adda socdaalka.
Sidoo kale madaxweyne Trump ayaa u magacaabay ku-simaha hay’ada
socdaalka iyo kastamka.
Dhawaan markii lagu dilay Ranee Good Minneapolis, Homan
wuxuu CBS u sheegay in uusan dooneyn in uu ka hordhaco xaqiiqooyinka balse
wuxuu ammaanay ciidamada ICE, wuxuuna sheegay sida qof kasta oo Mareykanka,
waxay saraakiisheeana xaq u leeyihiin in ay is difaacaan.
Ruushka ayaa ka digay hadii Iran la weerao in Bariga Dhexe uu galayo xasillooni-darro
Xigashada Sawirka, Alexander KAZAKOV/POOL/AFP via Getty Images
Ruushka ayaa ka digay hadii Iran la weeraro in ay “xasillooni-darro
ka abuureyso Bariga dhexe”, wuxuuna ku baaqay in dhammaan dhinacyada ay is-xakameeyaan.
“Shaki kuma jiro in tallaabadan ay noqoneyso mid kale oo loo qaaday dhinaca khalkhal
gelinta xaalada gobolka”, ayuu yiri Dmitry Peskov oo ah afhayeenka Kremlin-ka.
Wakaaladda wararka Ruushka TASS oo soo xiganeysa Mr. Peskov
ayaa sheegtay in “Ruushka uu sii wadayo dadaaladiisa uu hoos ugu dhigayo
xiisadaha”.
Wasiirka arrimaha dibadda, Sergei Lavrov, ayaa xaqiijiyay
tododbaadkii la soo dhaafay in uu dhexdhexaadiyay fariimo ay is weydaarsadeen
Iran iyo Israel sanadkii hore.
Markabka dagaalka Mareykanka ee Abraham Lincoln ayaa gaaray Bariga Dhexe.
Xigashada Sawirka, US Navy via Reuters
Sarkaal Maraykan ah ayaa u xaqiijiyay telefishinka CBS in
Markabka diyaaradaha dagaalka xambaaro ee Abraham Lincoln uu gaaray aagga
Taliska Dhexe ee Mareykanka ee Bariga Dhexe.
Sida warbixinta lagu sheegay, markabka weli si buuxda
“meeshii loogu talagalay” uma istaagin, taas oo micnaheedu yahay in uusan weli
gaarin goobtii ugu dambaysay ee loo qorsheeyay.
Qiyaastii laba toddobaad ka hor, kaddib markii ay cirka isku
sii shareertay xiisadaha u dhexeeya Iran iyo Mareykanka taas oo ka dhalatay
mudaharaadyadao Iran ayaa keentay in Markabka uu ka dhaqaaqo gobolka baasifiga
ee uu aado Bariga Bariga Dhexe.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa horay u sheegay in
Markab weyn uu ku sii jeedo dhanka dalka Iran, balse uu rajaynayo in aan loo
baahneyn in la adeegsado.
Wiilka u dhalay
Madaxweynaha Uganda, ahna taliyaha ciidanka difaaca ee Uganda Muhoozi
Kainerugaba ayaa su'aal galiyey joogitaanka ciidankiisa ee Soomaliya.
Bartiisa X ayuu
ku soo qoray goor dhoweyd in ay damacsan yihiin inay ciidankooda la baxaan.
"19 sano oo aan
joognay Soomaaliya ka dib, waxaan damacsannahay in gabi ahaanba aan dalkaas ka
baxno mar dhow” ayuu yiri, isagoon sheegin sababta.
Ma aha markii ugu
horreysay ee Muhoozi u ka hadlo ka bixitaanka ciidankooda ee Soomaaliya.
Wuxuu sannadkii hore
sidoo kale barta X ku sheegay inay ka bixi doonaan Soomaaliya.
Uganda waxaa
soomaaliya ka jooga ciidanka ugu badan ee nabad ilaalinta Midowga Afrika,
waxaana go’aanka ugu dambeeya inta badan qaata madaxweynaha Uganda Yoweri
Museveni.
Trump ayaa loogu baaqay in baaris buuxda lagu sameeyo toogashada Alex Pretti
Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweyne Donald Trump ayaa laga dalbaday in baaris buuxda
lagu sameeyo toogashadii Alex Pretti kaas oo ay toogteen ciidamada federalka ee
loo yaqaan ICE.
Geerida Preetti ayaa ku soo aaday wax ka yar saddex
toddobaad kaddib markii Renee Good ay ku dileen ciidamada waaxda socaalka Minneapolis.
Guddoomiyaha Minnesota, Tim Walz, ayaa ku celiyay dalabkiisa
maamulka Trump in ay ka saaraan ciidamada faderalka gobolka isagoo sheegay in
Mareykanka uu joogo “halkii ugu dambeysay”.
Wargeyska Wall Street Journal oo Axadii wareysi la yeeshay madaxweyne
Trump ayuu ku sheegay in maamulkiisa uu “dib u eegis ku sameynayo waxkasta” iyo
sidoo kale in ugu dambeyn uu ciidamada xuduudaha iyo kastamka ee ICE uu ka
saarayo magaalada. Madaxweynaha ma bixin waqti cayiman uu arrintan sameynayo.
Madaxda fedealka iyo gobolka ayaa siyaabo kala duwan uga
hadlay daqiiqadihii ugu horeeyay geerida Pretti.
Maamulka Trump ayaa difaacay sarkaalka toogtay Pretti iyadoo
xoghayaha ammaanka, Kristi Noem, ay sheegtay in Pretti loo toogtay maadama uu “haystay”
bistoolad.
Madaxda gobolka ayaa beeniyay arrintan iyagoo sheegay in
bistoolada ay aheyd sharci, waxaana Pretti la toogtay markii laga qaaday
bistooladda.
Dibadbaxayaal ayaa u soo baxay wadooyinka Minneapolis iyo
qeybho kale oo kale oo Mareykanka ah kaddib toogashadii dhimashada keentay.
Iran ayaa sheegtay in gardarro kasta ay ka bixinayaan jawaab laga qoomameeyo
Xigashada Sawirka, Fatemeh Bahrami/Anadolu via Getty Images
“Iran way ku kalsoon tahay awoodaheeda, waxayna xusuusan
tahay khibaradeedii bishii June, waxayna bixin doontaa jawaab ka xoogan tii
hore oo ay ka qoomameeyaan cid kasta oo ku soo gardarooto”
Mr. Baqaei ayaa tusaale u soo qaatay dagalkii 12-ka maalmood
socday ee dhexmaray Iran iyo Israel.
Wuxuu kaloo sheegay in Iran ay wajaheysay bilihii u
dambeeyay “khataro cusub” oo kaga imaanayay Mareykanka iyo Israel, wuxuu
sheegay “in wadamada gobolka ay si wanaagsan ula socdaan in khatarta
ammaanadarada gobolka aysan ku ekaaneyn Iran oo kaliya balse ay sii gudbeyso,
taasina ay tahay sababta waxa keenay walaaca guud ee dalalka gobolka”.
Wuxuu intaas ku daray, in marakiibta gobolka la keenayo
aysan khalkhal gelinayn Iran iyo sida ay isku difaaceyso .
Taiwan ayaa isha ku haysa isbeddelka “aan caaidga aheyn” ee hoggaanka militeriga Shiinaha
Xigashada Sawirka, Reuters
Taiwan ayaa dusha kala socota wax ay ug yeertay isbeddealka “aan
caadiga aheyn” ee hoggaanka militeriga Shiinaha kaddib markii janaraalkoodi ugu
sareeyay baaris lagu bilaabay. Waxay kaloo sheegeen in ay sii wadayaan difaacooda
maadama ay heerka qatarta weli sareyso, sidaasina waxaa sheegay wasiirka
difaaca Taiwan.
Shiinaha ayaa ku dhawaaqay Sabtigii in Zhang Youxia oo ah guddoomiye
ku xigeenka guddiga dhexe ee ciidamada iyo sarkaal kale oo lagu magacaabo Liu Zhenli in
la baarayo oo loo haysto xadgudubyo ka dhan ah anshaxa iyo qeynuunka.
“Si dhow ayaan ula soconeynaa xaalada aan caadiga aheyn ee
la xiriita madaxda sare ee xisbiga Shiinaha, dowladda iyo hoggaanka militeriga”
ayuu yiri wasiirka difaaca oo intaas ku daray, “Mowqifka militeri waxa uu ku saleysan
yahay in Shiinuhu uusan marnaba meesha ka saarin suurgalnimada in uu awood u
sheegto Taiwan.
Zhang waxaa muddo dheer loo arkayay in uu yahay sarkaal
militeri oo aad ugu dhow Xi iyo in uu yahay saraakiisha dhifka ee leh khibrad
sare ee dagaalka. Zan ayaa ka qeybqaatay dagaalka la xiriira muranka xadka ay
la galeen Vietnam.
Shiinaha oo u arka Taiwan qeyb ka mid ah dalkiisa ayaa si
joogta ah ugu dira diyaarado dagaal iyo maraakiib hawada iyo badda u dhow jasiiradda.
Taipei ayaa u aragta olole dowladeeda loogu cadaadinayo in ay aqabsho sheegashada
Shiinaha.
Trump oo gacanta miis ku dhufsaday kadiba faahfaahiyay waxa dhacay
Xigashada Sawirka, Getty Images
Trump ayaa u saariyay nabar muuqda oo kaga yaalla gacantiisa bidix isticmaalka badan ee daawada aspirin. Nabarku wuxuu soo baxay kadib markii uu ku dhacay miis intii uu ku sugnaa Shirka Dhaqaalaha Adduunka ee ka dhacay magaalada Davos ee dalka Switzerland. Trump ayaa sidaas u sheegay wariyeyaasha isagoo saaran diyaarada Air Force One xilli uu dib ugu laabtay Maraykanka.
Madaxweyne Donald Trump ayaa la il-daranaa xanuunkan ka xididdada kaga dhacay, kaasoo aad u daran, sida uu Aqalka Cad ku dhawaaqay sanadkii la soo dhaafay, ka dib maalmo warar la isla dhex marayay kuwaasoo la xiriiray sawirro muujinayay nabar ka muuqda gacanta madaxweynaha Maraykanka.
Ka dib markii uu xilligaas la kulmay barar lugaha ah, Trump ayaa maray "baaritaan dhamaystiran" oo ay ku jiraan baaritaanka xididdada dhiigga, sida ay sheegtay xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad Karoline Leavitt.
Waxaa kale oo uu yiri: “Waxaan xoojinaynaa xiriirkeena
istaraatiijiyadeed”.
Weerar rag hubeysan gaysteen oo dad lagu laayay
Xigashada Sawirka, AD
Rag hubeysan ayaa toogasho ku dilay 11 qof garoon kubadda
cagta ah oo ku yaalla gobolka Guanajuato ee bartamaha Mexico. 12 qof oo kale
ayaa ku dhaawacmay weerarka ka dhacay magaalada Salamanca Axaddii shalay.
Howlgal baadi-goob ah ayaa la bilaabay si loo helo dambiilayaasha.
Mas’uuliyiinta maxalliga ah weli ma sheegin waxa sababay
dilalkan, balse Guanajuato marar badan waxaa ka dhaca rabshado, kuwaas oo ka
dhasha kooxo dambiyeedyo is haya oo ku dagaallamaya dhul iyo saameyn.
Gobolka
Guanajuato ayaa laga diiwaan geliyay tirada ugu badan ee dilalka marka loo eego
gobollada kale ee Mexico sanadkii 2025, iyadoo ay ka dhaceen in ka badan laba
kun iyo shan boqol oo dil.
Afhayeenkii Netanyahu oo loo haysto sir uu bixiyay
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Ra’iisal Wasaare Benjamin Netanyahu,
Maxkamad ku taalla Israa’iil ayaa Axaddii sheegtay in la
xiray afhayeenkii hore ee Ra’iisal Wasaare Benjamin Netanyahu, kaddib markii
looga shakiyay inuu dukumiintiyo sir ah u dusiyay saxaafadda oggolaansho
la’aan, taasoo dhaawac u geysan karta heshiiskii lagu sii daayay maxaabiistii
lagu haystay Qasa.
Maamulka warbaahinta Israa'iil ayaa sheegay in maxkamaddu ay
ogolaatay in la shaaciyo 4 qof oo loo xiray kiiska sirta amaanka.
Maxkamadda ayaa sheegtay in Eli Feldstein lala xiray
saddex qof oo kale, oo ay ku jiraan xubno ka tirsan laamaha ammaanka.
Kiiskan ayaa keenay in mucaaradka ay su’aal ka keenaan in
Netanyahu uu ku lug lahaa wararka la faafiyay iyo in kale, iyadoo xafiiska
Ra’iisul wasaaraha uu beeniyay warkaas.
Netanyahu ayaa beeniyay inay wax khalad ah ay sameeyeen
shaqaalaha xafiiskiisa, wuxuuna bayaan uu soo saaray sabtidii ku sheegay inuu
ka war helay kaliya dukumentiyada la faafiyay ee warbaahinta lala wadaagay.
Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Kenya oo sheegay in isku day dil ka badbaaday
Xigashada Sawirka, AFP/Getty Images
Rigathi Gachagua oo oo ka tirsan mucaaradka Kenya ayaa ku
andacoonaya in isku day dil ka badbaaday shalay oo ahayd Axad, xilli uu ku sugnaa
Kaniisad.
Gachagua, oo laga eryay xilka madaxweyne ku xigeenka
maxkamadeyn xilka looga qaadayay sanadkii 2024, ayaa sheegtay in koox boolis ah
ay weerareen kaniisadda Othaya ee gobolka Nyeri, iyagoo adeegsaday rasaas iyo
gaaska ilmada keena.
Isagoon bixin caddayn, wuxuu ku eedeeyay madaxweynaha ay
horey isku kooxda u ahaayeen ee William Ruto inuu amray weerarka lagu qaaday.
Ruto ma uusan ka hadlin laakiin wasiirka arrimaha gudaha Kipchumba Murkomen
ayaa cambaareeyay rabshadaha, isagoo ku tilmaamay mid aan la aqbali karin.
Booliisku waxay sheegeen in baaritaan la bilaabay, iyagoo
intaa ku daray in aan la soo sheegin wax dhaawac ah.
Warbixinno loo diray booliiska ayaa tilmaamaya in gaaska
ilmada keena lagu tuuray gudaha Kaniisadda Anglican ee St Peters taasoo
carqaladeysay howlihii Kiisadda ka socday.Booliisku waxay intaas ku dareen in dhowr baabuur ay ku
waxyeeloobeen gudaha xarunta kaniisadda.
Gachagua, oo ah ganacsade ka soo jeeda bartamaha Mount
Kenya haddana ah dhaleeceeye aad uga soo horjeeda madaxweynaha Kenya , ayaa
sheegay in kooxdiisa amniga ay u galbiyeen meel ammaan ah markii weerarka lagu
soo qaaday sida u uku andacoonayo.