Madaxweynaha
Mareykanka, Donald Trump, ayaa ka hadlay xariga Andrew Mountbatten-Windsor, oo la
dhashay boqorka Ingiriiska.
Weriyeyaal
ayaa qayb ka ah safar uu madaxweyne Trump maanta ku tagayo Georgia.
Mid kamid ah
weriyaashaas la socda madaxweynaha, ayaa sheegay in Trump si kooban uga hadlay
kiiska Andrew, isagoo sheegay inuu aaminsan yahay inay tahay "wax laga
xumaado".
"Waxaan
u maleynayaa inay tahay wax aad looga xumaado, umana wanaagsana qoyska
Boqortooyada. Aad iyo aad ayay u murugo badan tahay," ayuu yiri.
"Aniga ahaan, waxay ila tahay wax aad u murugo badan.", ayuu yiri
Trump.
Trump ayaa sidoo kale si kooban u soo hadal qaaday Boqor
Charles-ka Ingiriiska, kaasoo uu sheegay inuu dhawaan tegi doono Mareykanka.
"Boqorka waa nin aad u wanaagsan," ayuu yiri.
Madaxweynaha ayaa hadallo kuwan la mid ah jeediyay bishii
Nofeembar, isagoo sheegay inuu "aad uga xun yahay" qoyska
Boqortooyada ka dib markii Andrew laga qaaday darajadiisa.
Andrew Mountbatten-Windsor oo la dhashay boqorka
Ingiriiska ayaa la siidaayay, kaas oo la xiray kadib markii looga shakiyay xad
gudub uu ku sameeyay xafiis dadweyne.
Xarga Waxay timid ka dib markii Booliska ay sheegeen inay
qiimeynayaan cabashada ku saabsan eedeymo la sheegay ooah in amiirka hore uu la
wadaagay dambiilaha galmada ee Jeffrey Epstein waxyaabo sir ah .
Amiirkii hore ayaa si joogto ah oo adag u dafiray wax
khalad ah oo la xiriira Epstein.
Waxaa uu Trump dhanka kale sheegay in aanay jirin cid ka
hadli jirtay Epstein markii u noolaa, balse haatan markii uu geeriyooday laga hadlayo.
Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa: