Cismaan Dubbe oo BBC-da u sheegay in uu iska casilay baarlamaanka Soomaaliya
Cismaan Dubbe oo BBC-da u sheegay in uu iska casilay baarlamaanka Soomaaliya
Tebin toos ah
Cismaan Dubbe oo is casilay
Senetor Cismaan Dubbe oo ka tirsanaa Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. ayaa sheegay in uu iska casilay.
Waraysi gaar ah oo uu suuyay BBC-da ayaa sheegay in sidoo kale uu ka tanaasulay qadiyadda midnimada Soomaaliya oo uu ka mid ahaa siyaasiyiinta u ololeeya.
Labad Gole ee barlamaanka Soomaaliya oo leh fadhi aan caadi ahay iyo madaxweyne Xasan Sheekh oo la filayo inuu khudbad u jeediyo
Qoraalka sawirka, .
Xarunta Golaha Shacabka
ee Villa Hargaysa waxaa kulan wadajir ah oo aan caadi ahayn ku leh labada Gole ee Barlamaanka Soomaaliya kaas oo uu dalbaday madaxweynaha Soomaaliya
Xasan Sheekh Maxamuud.
Wariyaha BBC-da
ee Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan oo ku sugan xarunta ayaa soo sheegaya in xildhibaanada
labada aqal ay ku sugan yihiin hoolka lana sugayo inuu fadhiga khudbad ka
jeediyo madaxweynaha.
Waxaa la filayaa
in madaxweyne Xasan Sheekhu u Baarlamaanka kala hadli doono aqoonsiga Israa’iil
ee Soomaaliland.
Dowladda Soomaaliya
ayaa tallaabadaas si adag ugu hortimid iyadoo xiriiro diblomaasi ah oo aan loo
kala kicin madaxweynaha iyo wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya la lahaayeen
dhowr iyo afartankii saac ee la soo dhaafay dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya
oo taageero u muujiyey dowladda.
Kuwani waa qaar
ka mid ah sawirada xarunta Villa Hargeysa naga soo gaaray.
Fadlan isha ku hayn
BBC Somali.
Qoraalka sawirka, .
Qoraalka sawirka, .
Waa kuma Siyaasiga miisaanka culus ee taageeray aqoonsiga Somaliland
Xigashada Sawirka, SOCIAL
Qoraalka sawirka, .
Mid ka mid ah madaxda la soo doorto ee Maraykanka ee saamaynta leh ayaa madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ka dalbaday in aqoonsi heer waddan la siiyo Somaliland oo tan iyo 1991 baadigoob ugu jirto inay ictiraaf hesho.
Ted Cruz oo ah mudane ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ee uu madaxweynahana ka tirsan yahay, lagana soo doorto gobolka Texas wuxuu codsigiisa u diray qoraal uu ku bilaabay sidii Somaliland ay madaxbanaanideeda ku qaadatay 1960 iyo hadda halka ay taagan tahay.
"Somaliland waxay noqotay saaxiib muhiim u ah Maraykanka dhinaca amniga iyo diblomaasiyadda, taasoo ka caawinaysa Maraykanka horumarinta danaha amniga qaranka ee Geeska Afrika iyo meelo kaleba. Waxay ku taal meel istaraatiiji ah oo ah gacanka Cadmeed, iyadoo u dhow mid ka mid ah marinnada badda ee ugu mashquulka badan adduunka. Waxay leedahay ciidamo hubaysan oo tayo leh, waxayna gacan ka geysataa la dagaalanka argagixisada iyo hawlgalada burcad badeeda ee gobolka" ayuu yiri Cruz.
Isagoo ku salaynaya codsigiisa siyaasadaha Maraykanka ee gobolka ayuu soo qaatay Ted Cruz xiriirka Taiwan iyo Somaillamd u dhaxeeya, siu u uga dhaadhiciyo Maraykanka in Somaliland ay u noqon karto bahwadaag sax ah.Halkan ka sii akhriso
Daqiiqaddii ugu xusuusta badnayd ee ciyaartii xalay Arsenal iyo David Raya
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, .
Martin Ødegaard ayaa dhaliyay goolkiisii ugu horreeyay ee
xilli ciyaareedka si uu uga caawiyo Arsenal inay ka adkaadaan Brighton isla
markaana dib ugu soo laabtaan kaalinta koowaad ee Premier League – balse
goolhayahooda ayaa ahaa kan sameeyay daqiiqaddii ugu xusuusta badnayd ee
ciyaarta.
Iyadoo kooxda Gunners, ay ku hoggaamiyaan kulanka 2-1, wax
cajiiba ayey ahayd 15-ki idaqiiqo ee ugu dambaysay garoonka Emirates,
ciyaaryahanka Yankuba Minteh ayaa wadnaha istaajin gaaray Arsenal markii kubad
xirfadleh ku laaday shaqaba Arsenal taas oo u muuqatay inay ku aadanayd shaqaba
basle gool ilaahayaha Gunners ayaa sameeyey badbaadin noqotay rajadii xalay ee
ciyaarta.
Tallaabo hore u qaad David Raya. Xiddiga xulka Spain ayaa
soo bandhigay awood jirdhis oo cajiib ah isaga oo kubbadda ka dul tuuray
xariiqda goolka si uu uga hortago Brighton bar bar dhac la galaan kooxdiisa.
"Waxay wax layaableh," ayuu yiri tabaraha Arsenal, Mikel Arteta, u sheegay Sky Sports.
"Waxaan lahaa aragti fiican oo ku saabsan."
"Taasi waa waxa aan ka rabno ciyaartoyda, waxaan u
baahanahay bandhigyo noocaas ah marka ay timaado daqiiqadaha muhiimka ah."
Ciyaaryahankii hore ee England, Alan Shearer, oo ka
faallooday Match of the Day, ayaa badbaadintaas ku tilmaamay "mid ka mid
ah kuwa ugu wanaagsan ee aad xilli ciyaareedkan arki doontaan".
"Waxaad arki doontaa ciyaartoyda Arsenal oo dhan inay
si toos ah Raya ugu tageen si ay ugu mahadceliyaan maxaa yeelay waxay ahayd
badbaadin weyn oo lagu sameeyay marxalad muhiim ah oo ciyaarta ah," ayuu isna
yiri Andy Reid.
'Aqoonsigii waa diyaar, markii la i yidhi kabo la'aan baan ku soo orday' Muuse Biixi
Xigashada Sawirka, Xafiiska Afhayeenka M JSL
Qoraalka sawirka, .
Madaxweynihii hore ee Soomaalilaan Muuse Biixi Cabdi ayaa ka mid ah dadka ka falceliyey xaalka aqoonsiga Soomaalilaan. Isaga oo ka sheekeeyey halkii u ku sugnaa markii uu soo gaadhayey warka ku saabsan aqoonsigu.
"Madaxweynuhu waxa uu igu yidhi Ictiraafkii baa diyaar ah ee soo orod, oo kabo la'aan ayaaban ku soo orday' ayuu yidhi Madaxweyne Muuse, isaga sheegaya in xilligaas uu war uga yimi Madaxweynaha hadda xilka haya ee Soomaalilaan oo xaaladdan darted ula soo hadlay.
Ka hor shalay abbaaro casarkii intii aan Israel iyo Somaliland ku dhawaaqin go'aankooda isaqoonsi, madaxweyne Cirro ayaa madaxtooyada Somaliland ugu yeedhay madaxdii hore ee Somaaliland iyo qaybo ka mid ah haldoorka bulshada.
Zelensky ayaa hadalladan jeediyay isagoo ku sii jeeday Florida, halkaas oo
uu Axadda kula kulmi doono Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump si ay uga wada
hadlaan qorshe nabadeed oo cusub oo ka kooban 20 qodob, kaas oo ay ku
heshiiyeen ergooyin Mareykan iyo Ukrainian ah.
Weerar gantaallo iyo diyaarado drone ah oo socday 10 saacadood, kuna
wajahnaa caasimadda Ukraine, ayaa sababay dhimashada laba qof halka 32 kalena
ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta maxalliga ah.
Burburka gaaray kaabayaasha tamarta ayaa sababay in 40% guryaha la deggan
yahay ee Kyiv iyo degmooyinka ku dhow ay waayaan adeegsiga diirimadka, sida uu
sheegay Wasiirka Horumarinta Ukraine Oleksiy Kuleba
Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay in hubka riddada dheer loo
adeegsaday bartilmaameedka xarumaha tamarta, kaas oo ay sheegtay in loo
isticmaalay "danta Ciidamada Qalabka Sida ee Ukraine iyo shirkadaha
dhismaha militariga iyo warshadaha Ukraine".
Qoraal uu soo dhigay Telegram, Zelensky wuxuu sheegay in Ruushku uu ku weeraray
Kyiv ku dhowaad 500 diyaarado drone ah iyo 40 gantaal, kuwaas oo beegsaday
kaabayaasha tamarta iyo kuwa rayidka.
Sawirro ayaa muujiyay burbur waaweyn oo ka muuqda dhismayaasha dabaqyada ah
iyo guryo dab qabsaday kadib weerarrada.