Cameroon oo gaartay fiinaalka Koobka Qaramada Afrika
Xigashada Sawirka, Reuters
Xulka Cameroon ayaa ciyaarta kama dambeysta ah ee Koobka Qaramada Afrika 2017 waxa uu la dheeli doonaa dhiggiisa Masar.
Cameroon ayaa xalay 2-0 ku reebtay Ghana.
Goolka hore ayaa waxaa Cameroon daqiiqadii 72-aad u saxiixay Michael Ngadeu-Ngadjui, kaasoo ka faa'iideystay khalad uu sameeyay difaaca Ghana.
Ciyaarta oo ay ilbiriqsiyo ka dhiman tahay ayaa waxaa u labeeyay Christian Bassogog.
Fursad goolal lagu dhalin kari lahaa ayaa waxaa Ghana ka lumiyay Wakaso Mubarak iyo Christian Atsu.
Xulka Cameroon oo loo yaqaano "Libaaxyada aan la loodin karin" ayaa heerkan oo kale gaaray sanadkii 2008, markaasi oo ay koobka ka qaaday Masar.
Wararka ugu waaweyn
Xul
Ugu Aqris Badan
Macluumaadkan lama heli karo
{{rankTranslation}}