Muxuu shaqada uga tegey xoghayihii ciidanka badda Maraykanka oo ahaa saaxib aad ugu dhow Trump

Xigashada Sawirka, Reuters

Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Xoghayaha ciidamada badda Mareykanka John Phelan ayaa ka tagaya maamulka Trump, sida uu Pentagon-ka Arbacadii ku dhawaaqay.

Bixitaankiisu "si dhaqsiyo leh ayuu u dhaqan geli doonaa" ayuu yiri afhayeen u hadlay Pentagon-ka Sean Parnell, sida uu ku sheegay qoraal uu soo dhigay baraha bulshada.

Parnell wuxuu intaa raaciyey in ku xigeenka Xoghayaha Ciidanka Badda Hung Cao ayaa noqon doono ku simaha xoghayaha.

Phelan waa hogaamiyihii ugu dambeeyay ee darajada sare leh ee ka taga maamulka bilihii lasoo dhaafay. Bixitaankiisa ayaa ku soo beegmaya xilli Mareykanka iyo Israa'iil ay dagaalka kula jiraan Iran iyo go'doominta Mareykanka uu ku hayo marin biyoodka Hormuz.

"Anigoo ku hadlaya magaca Xoghayaha Dagaalka iyo ku xigeenka Xoghayaha Dagaalka, waxaan uga mahadcelineynaa Xoghaye Phelan adeeggiisa Waaxda iyo Ciidanka Badda Mareykanka," ayuu qoray Parnell. "Waxaan u rajeyneynaa wanaag dadaalkiisa mustaqbalka".

Ciidanka badda ma aysan sheegin sababta bixitaan Phelan.

Waxa ay ku soo beegantay todobaadyo uun ka dib markii xoghayaha difaaca ee Maraykanka Pete Hegseth uu ka codsaday taliyaha ciidamada Randy George in uu xilka ka dego.

Laba sarkaal oo kale oo ka tirsan ciidamada, Gen David Hodne iyo Maj Gen William Green, ayaa sidoo kale dhawaan laga xayuubiyay doorkooda.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Tan iyo markii uu yimid aqalka Pentagon-ka, Hegseth waxa uu shaqada ka ceyriyay in ka badan 12 saraakiil sare oo militari ah, oo ay ku jiraan madaxii howlgallada badda iyo taliye ku xigeenka ciidamada cirka.

Doorka xoghayuhu inta badan waa maamul waxaana ka mid ah dejinta siyaasadaha, qorista, tababarida iyo qalabaynta Ciidanka Badda, iyo sidoo kale kormeerida miisaaniyada iyo saadka sida dhismaha, iyo dayactirka maraakiibta iyo xarumaha ciidamada badda.

Phelan, oo ah nin rayid ah oo aan hore uga mid ahayn ciidamada, ayaa loo dhaariyay xilka Xoghayaha Ciidanka Badda bishii Maarso 2025 ka dib markii uu u magacaabay Madaxweyne Donald Trump 2024. Ganacsadahan ayaa ahaa deeq-bixiye weyn oo dhaqaale ku taageeray ololihii Trump.

Labaduba waxay ka soo wada muuqdeen Mar-a-Lago bishii Diseembar ee la soo dhaafay markii Trump uu ku dhawaaqay in Maraykanku uu samayn doono maraakiib cusub oo ah kuwa ciidanka badda oo aad u hubaysan, looguna magac daray isaga qudhiisa, taasoo qayb ahaan ah dib u cusboonaysiin lagu samaynayo raxanta la yiraahdo "Golden Fleet" arrintaasoo Phelan uu taageeray.

Andrew Peek oo ah xoghaye ku-xigeenkii hore ee wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa BBC-da u sheegay in madaxweynuhu uu caddeeyey in uu doonayo in uu ballaariyo maraakiibta ganacsiga iyo kuwa rayidka ee dalka.

"Ugu dambeyntii, qof ayaa u qaadan lahaa hoos u dhaca dhaqdhaqaaq la'aanta taas. Waxaan hubaa in taasi ay tahay 30% middan" ayuu yiri Peek.

"70%-ka kale, qofka beddelay Phelan si aad ah ayaa looga yaqaan xarunta MAGA, waxaan sharad ku galayaa inay tahay beddel sahlan oo qof uu jecel yahay oo uu si fiican ugu kalsoon yahay uu keenay" ayuu raaciyay.

Xigashada Sawirka, AP

Qoraalka sawirka, Hung Cao

Beddelka Phelan oo ah Cao wuxuu noqday xoghaye hoose Oktoobar 2025 waana 25 sano jir ciidamada badda ah.

Wuxuu galay tartan uusan ku guulaysan oo uu u tartamay aqalka swenetka isagoo ka soo galay gobolka Virginia sannadkii 2024-kii, oo uu taageeray Trump, kana soo horjeeday Senator Dimuqraadiga Tim Kaine. Intii lagu guda jiray doodda ololaha, wuxuu dhaleeceeyay kala duwanaanshaha militariga, sinnaanta iyo hindisayaasha ka mid noqoshada.

Isagoo ka hadlaya qoritaanka ciidamada badda inta lagu guda jiro doodda, Cao wuxuu yiri: "Waxa aan u baahanahay waa ragga alfa iyo alfa dheddigga ah (oo uu ula jeeday hogaamiyeyal dhiirran) kuwaas oo doonaya in ay jeexjeexaan calooshooda, cunaan oo weydiiyaan ilbiriqsiyo. Kuwani waa ragga iyo dumarka dhalinyarada ah ee ku guuleysan doona dagaallada" ayuu yiri sida ay wakaaladda AP sheegtay.

Isbedelka ciidamada badda ee hogaanka ayaa imaanaya iyadoo Trump uu sheegay in go'doominta Mareykanka ee dekedaha Iran ay sii socon doonto iyadoo xabad joojin laga gaaray dagaalka. Isku dhacyada ayaa weli ka socda marin biyoodka Hormuz, oo ah marin muhiim u ah maraakiibta caalamiga ah oo ay marto sahayda inta badan saliidda adduunka, iyadoo Iran ay ku dhawaaqday inay "qabsatay" laba markab oo ku sugnaa biyahaas.

Xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad, Karoline Leavitt, ayaa sheegtay in madaxweynaha uu "ku qanacsan yahay" xannibaadda joogtada ah ee ciidamada badda ee Mareykanka ay ku hayaan dekedaha Iran, "wuxuuna fahamsan yahay in Iran ay ku jirto xaalad aad u liidata" ayey tiri.

Mohammad Bagher Ghalibaf, madaxa wada xaajoodka Iran ee wadahadalka kula jira Mareykanka, ayaa sheegay Arbacadii in "aanay suurtagal ahayn" in marin biyoodka Hormuz dib loo furo sababo la xiriira "xadgudubyada cad ee xabad joojinta" ee Mareykanka iyo Israa'iil.