BBC-da oo ogaatay sababta uu sanadkan u noqday kii ugu dhimashada badnaa Falastiiniyiinta tan iyo 2015

Daanta Galbeed

Xigashada Sawirka, Getty Images

Ugu yaraan 100 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay Daanta Galbeed ee la haysto iyo Bariga Quddus sanadkan 2022 iyadoo ay aad u kordheen duqeymaha ay geysanayaan ciidamada Israa'iil, sida lagu sheegay tirokoob ay sameysay BBC.

Tiradan ayaa waxay  ka dhigan tahay in sanadkan uu hadda ku socdo inuu noqdo kii ugu dhimashada badnaa ee Falastiiniyiinta  daanta galbeed tan iyo 2015.

Dadkan intooda  badan waxaa toogasho ku dilay ciidamada ammaanka Israa’iil, halka dhowr kalena ay toogteen dad rayid ah oo Israa’iili yiin ah oo hubeysan.

Iyadoo kooxaha xuquuqul-insaanka ay  soo saareen  qeylo dhaan isasoo tareysa, tirooyinkan ayaa muujinaya in ku dhawaad ​​shan meelood meel Falastiiniyiinta la dilay ah ay ahaayeen caruur, oo kan ugu yar uu ahaa 14 jir.

Dhanka kale  Mareykanka ayaa todobaadkan ku baaqay in baaritaan degdeg ah lagu sameeyo  wiil toddobo jir ah oo u  dhintay wadno xanuun kaddib markii ciidamada Israa'iil ay yimaadeen guriga qoyskiisa, taasoo daba socotay markii walaalihii lagu eedeeyay inay dhagax tuureen.

Ciidanka Israa'iil  ayaa sheegay in baaritaan hordhac ah ay ku ogaadeen in uusan wax xiriir ah ka dhaxeyn tagitaankooda guriga qoysakan iyo dhimashada wiilka.

Falastiiniyiinta

Xigashada Sawirka, Getty Images

Liiska dhimashada ayaa waxaa ka mid ah rag hubaysan oo ka tirsan kooxaha xagjirka ah, iyo rag dhalinyaro ah oo la toogtay kaddib markii la sheegay inay dhagaxaan iyo bambooyinka shidaalka ku tuureen dad rayid ah oo aan hubaysneyn iyo sidookale shakhsiyaad fuliyay weerarro loo adeegsaday  mindi iyo hubka noocyadiisa kale ee fudfudud, kuwaasi  oo ka dhan ah askarta  iyo shacabka Israa'iil.

Saraakiisha falastiiniyiinta ayaa Israa’iil  ku eedeeyay in ay fulisay “dilal qorsheysan”oo ka dhan ah shacabka Falastiiniyita.

Bishii August ee Sanadkan 2022, madaxa xuquuqul-insaanka ee Qaramada Midoobay, Michelle Bachelet, ayaa sheegtay in kiisas badan oo ka dhashay " isla xisaabtan la'aan" ay u muuqdeen kuwo jebiyay sharciga caalamiga ah.

Mas’uuliyiinta Israa’iil iyo Falastiiniyiinta ayaa midba midka kale ku eedeeyay inuu mas’uul ka yahay falalka amni darrada ah ee ka dhaca waqooyiga daanta galbeed.

Tirakoobka  dhimashada Falastiiniyiinta  ee aan sameynay ayaa waxaan ka soo qaadanay ilo kala duwan oo ay ka mid yihiin baahinta BBC-da ee gudaha, warbixinnada warbaahinta gobolka iyo warbixinnada kooxaha aan dawliga ahayn iyo hay'adaha Qaramada Midoobay.