Trump oo sheegay in uu ka qeyb gali doono doodaha dhalashada ee maxkamadda sare

Xigashada Sawirka, Getty Images

    • Author, Nardine Saad
  • Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay inuu qorsheynayo inuu ka qayb galo doodda Maxkamadda Sare ee Maraykanka ee dhacaysa maalinta Arbacada, taas oo ku saabsan in Maraykanku joojiyo xuquuqda dhalashada ee muddada dheer soo jirtay ee la siiyo qof kasta oo ku dhasha dalka gudihiisa.

Maalintiisii ugu horreysay ee uu xafiiska dib ugu soo laabtay, wuxuu amar ku bixiyay in la joojiyo dhalashada tooska ah — ama tan dhalashada ku timaadda — ee carruurta ay dhalaan waaliddiinta dalka ku jooga sifo sharci darro ah ama si ku meel gaar ah.

Amarkiisa fulinta ayaa la kulmay mucaaradad xooggan oo degdeg ah, kuwaas oo sheegay inuu ka hor imanaayo wax-ka-beddelka dastuurka ee dhalashada siiya qof kasta oo ku dhasha dhulka Maraykanka.

Maamulka Trump ayaa sheegay in amarku uu la dagaallami doono "khataraha weyn ee ku imaanaya amniga qaranka iyo badqabka dadweynaha." Go'aan dhalashada ku saabsan ayaa la filayaa xagaaga.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Amarka fulinta ee bisha Janaayo 2025 ayaa qayb ka ah dadaalka Trump ee dib u habaynta nidaamka socdaalka dalka, taas oo ah udub dhexaadka ajandihiisa muddada labaad.

Haddii uu ka qayb galo maxkamadda, waxaa la rumeysan yahay inay noqon doonto markii ugu horreysay ee madaxweyne xafiiska jooga uu goobjoog ka noqdo doodaha afka ah ee halkaas ka dhaca. Waxay sidoo kale muujinaysaa muhiimadda uu u arko in isbeddelkani uu sharci noqdo.

"Waan tegayaa," Trump ayaa u sheegay weriyayaasha ku sugnaa Xafiiska Oval-ka maalintii Talaadada. "Sababtoo ah waxaan dhegeysanayay doodan muddo aad u dheer."

Dadka ka soo horjeeda amarkiisa fulinta, oo ay ku jiraan in ka badan dersin gobol iyo shan haween ah oo uur leh, ayaa si degdeg ah u gudbiyay dacwado caqabad ku ah sharciga amarkaas marka loo eego Wax-ka-beddelka 14-aad.

Wax-ka-beddelkaas ayaa lagu daray Dastuurka Maraykanka ka dib Dagaalkii Sokeeye, qayb ahaanna waxaa loo sameeyay in dhalashada loogu dammaanad qaado addoomadii hore.

Garsooreyaal federaal ah oo jooga saddex gobol oo Maraykanka ah ayaa si ku meel gaar ah u horistaagay amarka Trump iyagoo soo saaray amarro joojin ah oo dalka oo dhan saameynaya.

In kasta oo ay bilo ka harsan yihiin, go'aanku wuxuu ka turjumi doonaa sida ay lixda garsoore ee muxaafidka ah iyo saddexda liberal-ka u arkaan siyaasadaha socdaalka ee Trump iyo baaxadda awoodda madaxweynaha.

Inta badan aqoonyahannada sharciga ayaa sheegay in madaxweynuhu uusan lahayn awood uu sharciga ku beddelo amar fulin ah.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Xagaagii la soo dhaafay, Maxkamadda Sare waxay u eegtay amarka qayb ka mid ah racfaan gaar ah oo ku saabsan amarradii joojinta, waxayna xukuntay in garsooreyaasha maxkamadaha hoose ay leeyihiin awood xaddidan oo ay ku horistaagi karaan amarada madaxweynaha.

Xukunkii 6-3 ahaa, ee Trump uu ku tilmaamay "guul weyn," garsooreyaashu waxay sheegeen inaysan ka hadlayn isku dayga Trump ee uu ku beddelayo dhalashada qofka ku dhasha dalka, balse ay diiradda saarayaan oo keliya awoodda garsooreyaasha.

Hadda, garsooreyaashu waxay si toos ah ugu soo laaban doonaan su'aasha dhalashada iyada oo loo marayo kiiska Trump v Barbara, kaas oo ay soo gudbiyeen Ururka Xuquuqda Madaniga ee Maraykanka (ACLU) iyo kooxo kale oo sharci, iyagoo matalaya dhammaan carruurta uu amarku saameyn doono.

Waxay ku doodayaan in amarku uu jebinayo qayb ka mid ah Wax-ka-beddelka 14-aad oo dhigaya in "dhammaan dadka ku dhasha ama lagu dhalasho-siiyo Maraykanka, ee hoos yimaada xukunkiisa, ay yihiin muwaadiniin Maraykan ah iyo kuwa gobolka ay deggan yihiin."

"Hoos u imaanshaha xukunka" waxay la macno tahay inay u hoggaansan yihiin sharciyada Maraykanka, ayay yiraahdeen, taas oo khuseysa kuwa dalka ku jooga sifo sharci darro ah iyo kuwa sharciga ku joogaba, Wax-ka-beddelka 14-aadna wuxuu oggol yahay oo keliya dhowr ka reebis oo kooban, sida carruurta diblomaasiyiinta.

ACLU waxay ku doodday in dhalashada qofka dalka ku dhasha ay tahay "mid aasaas u ah qofnimadeenna waddan ahaan" isla markaana si weyn looga dhaqmi jiray Maraykanka ka hor inta aan wax-ka-beddelka lagu darin dastuurka.

Maamulka Trump, si kastaba ha ahaatee, wuxuu dood ka keenay ereyga "xukun", isagoo leh wuxuu muujinayaa in wax-ka-beddelku uu ka reebayo carruurta dadka aan dalka u joogin si joogto ah ama sifo sharci ah.

Maalintii Isniinta, Trump wuxuu dhaleeceeyay nidaamka hadda jira ee dhalashada. Isaga oo tixraacaya dadka ka imaanaya dalalka kale ee u yimaada Maraykanka inay ku dhalaan ka dibna dib ugu laabta guryahooda, wuxuu ku qoray Truth Social: "Adduunku wuxuu hodan ku noqonayaa iibinta dhalashada dalkeenna, iyagoo isla markaana ay ku qoslayaan sida nacasnimada ee Nidaamka Maxkamadaha Maraykanka uu u noqday (TARIIFO!)."

Wuxuu kaloo sheegay in Wax-ka-beddelka 14-aad loogu talogalay "CARRUURTA ADDOOMADA."