Putin: Ruushku musharaxiinta Maraykanka midna ma taageersana
Xigashada Sawirka, EPA
Madaxweynaha Ruushka,Vladimir Putin, ayaa ku gacan saydhay oo ku tilmaamay eedaha ah in dalkiisu faragelin ku hayo doorashada Maraykanka kuwo aan macno lahayn, waxaanu ku nuuxnuusaday in Moscow aanay musharaxiinta tartanka ugu jira Aqalka Cad midkoodna gaar u xigsanayn.
In kasta oo xidhiidha Ruushka iyo Maraykanku hoos u dhacay, hadana Putin wuxu sheegay in uu diyaar u yahay in uu la shaqeeyo qofkii ku guulaysta doorashada bisha dambe dhacaysa isla markaana ay iskaashi la yeeshaan Maraykanka.
Waxa kale oo uu ka hadlay Donald Trump oo hore u sheegay in ay haboontahay in la furo wadahadal lagu hagaajinayo xidhiidha Maraykanku la leeyahay Ruusha, waxaanu yidhi waa tallaabo mudan in la soo dhaweeyo.
Wararka ugu waaweyn
Xul
Ugu Aqris Badan
Macluumaadkan lama heli karo