BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
23 Februweri, 2009, 19:00 GMT; 22:00 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Al-Qaacida oo cambaareysay dowladda Soomaaliya
 
Ayman Al-Zawahiri
Ayman Al-Zawahiri waa ninka labaad ee ugu sareeya Al-qaeda
Baaq la sheegay inuu soo saaray ninka labaad ee ugu sareeya ururka al-Qaeda, Ayman Al-Zawahiri, ayaa waxa uu cambaareeyay dowladda cusub ee Somaaliya.

Baaqan oo ahaa fariin duuban ayaa la soo geliyay internet-ka. Waxaana lagu sheegay in Soomaaliya laga dhisay dowlad fulineysa dalabaadka Mareykanka.

Hadalkan ayaa soo baxay kadib markii Madaxweynaha Somalia Shariif Shiikh Axmed uu ku laabtay magaalada Muqdisho. Ka hor inta aanu ku laaban Muqdisho 11 ka tirsanaa ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Africa oo u dhashay Burundi ayaa lagu dilay weerar bam oo is qarxin ah.

Isagoo ka hadlayay magaalada Muqdisho ayaa Madaxweyne Shariif uu cambaareeyay weerarka lagu qaaday AMISOM, isagoo sheegay in ciidamadu halkaasi u joogaan inay nabadda ilaaliyaan.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin