Iyadoo duufaan weyn oo xilliga qaboobaha ay ku dhufatay
qaybo ka mid ah waqooyiga bari ee Maraykanka ayaa maamulka maxalliga ah iyo hay’adaha
gaadiidka waxay dadka ku boorinayaan inay ka fogaadaan safarrada. Melaha ay cimiladaas saamaysanta ku yeelatay
waxaa ka mid ah:
NJ Transit, oo ka hawlgasha New Jersey, qaybo ka mid ah
gobolka New York iyo Pennsylvania, ayaa sheegay in dhammaan tareennada, baska,
tareenada fudud iyo adeegyada isku xirka la hakiyey ilaa ogeysiis dambe.
Magaalada New York, tareennada dhulka hoostiisa mara
qaarkood ayaa ku socda waddooyinka tareenada caadiga ah, laakiin Maamulka
Gaadiidka Magaalooyinka ayaa ka digaya dib u dhacyo ba'an waxayna kula
talinayaan macaamiisha inay ka fogaadaan safarka. Waxaa jira sugitaan dheer oo
basaska maxalliga ah.
Connecticut gudaheeda, CT Transit waxay hakisay dhammaan
adeegyadeedii baska ee maalinta, waxayna sheegtay inay rajaynayso inay dib u
bilowdo Talaadada.
Tareenada dhulka hoostiisa mara, baska iyo adeega tareenada caadiga
ah ee rakaabka ayaa shaqaynaya ayadoo jadwalkooda shqo la dhimay gobolka
Massachusetts, Maamulka Gaadiidka Massachusetts Bay ayaa sidaa sheegay. Adeegga doomaha ayaa la joojiyay.
Hay’adaha adeegga gaadiidka Delaware ee DART ayaa hakiyay
dhammaan adeegyada gobolka oo dhan Isniinta.
Pennsylvania, dhammaan adeegyada basaska ayaa la hakiyay
ilaa ogeysiis dambe, sida uu qabo Maamulka Gaadiidka Koonfur-bari ee
Pennsylvania (SEPTA). Tareenka gobolka ayaa sidoo kale si ku meel gaar ah loo
hakiyay. Metro Philadelphia qayb ahaan wuu socdaa, laakin waxaa dhici kara dib
u dhac ama baaqasho.
In ka badan 5,400 oo duulimaadyo ah oo kus sii jeeday ama ka duuli lahaa Maraykanka
gudaha Maraykanka ayaa la joojiyay maanta, sida laga soo xigtay bogga raadraaca
duullimaadyada ee FlightAware.