Taageerayaasha
Rihanna waxa ay si weyn u filayaan bandhigeeda Super Bowl ee wakhtiga
nasashada, waana mid ka mid ah bandhigyada muusigga ee ugu weyn looguna jecelyahay.
Rihanna ma
aysan sameynin ama ma aysan sii dayn wax album heeso ah tan iyo 2016, sidaa
darteed rajooyinka ayaa sarreeya, gaar ahaan
dhalmada kaddib sannadkii hore.
Taageerayaasha
ayaa rajaynaya in 34-jirkan bandhiggeeda Super Bowl uu dib ugu soo celin doono
masraxa muusiga dabayaaqada sanadkan.
Hantida
xiddigta pop waxay gaartaa 1.7 bilyan oo doolar. Qiyaastii $1.4 bilyan kama aysan
sameynin muusig iyo heesaha balse waxay ka timid qiimaha shirkadeeda
isqurxinta, Fenty Beauty.
Waxa ay ku
dhalatay 34 sano ka hor Saint Michel, oo ku taal jasiiradda Barbados.
Caannimadeedu
waxay ka timid bandhig faneedka Evan Rodgers oo ay la socdeen laba ka mid ah
saaxiibbadeedii sannadkii 2003dii.
3. Isbedelkeeda hooyo-nimo
Isbadalka
ugu weyn ee ku yimid fannanadda xiligan ayaa ah hooyo-nimada, taasoo sida ay u
sheegtay Apple Music, ka dhigtay inay aad uga taxadarto mashaariicda ay dooraneyso,
sababtoo ah waxay ogtahay in wax kasta oo ay doorato ay sababi karto in ay ka
fogaato wiilkeeda waqti dheer.
Marka laga
reebo in ay tahay gabadha heesaaga ah ee ugu mushaarka badan, ama ay heshiis la
gashay Jay-Z iyada oo 16 jir ah, xiddigtu waxaay jabisay nooc kasta oo rikoor
ah, Tusaale ahaan, Rihanna waxay leedahay 40-ka hits ee ugu sarreeya marka loo
eego Beatles.