You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Soomaalida Minnesota talaabo noocee ah ayey ka qaadi doonaan qabqabashada ICE
Tan iyo intii uu soo baxay go'aankii ay dowladda Mareykanka ay ku joojisay sharcigii ku-mee-lgaarka ahaa ee difaacayay dad ay Soomaalidu ka mid tahay, ayaa waxay tallaabadaas walaac ku abuurtay Soomaalida dalkaas ku jooga TPS.
Kooxaha u dhaqdhaqaaqa bulshada Soomaalida Mareykanka, ayaa dhankooda wada dadaalo ay ku doonayaan in ay arrintan uga hortagaan, iyagoo sheegay inay qaadi doonaan tallaabo sharci.
Dhanka kale waxaa wali gobolka Minnesota ka socda howlgalo ay halkaasi ka wadaan ciidamo ka socda laanta socdaalka e ICE loo soo gaabiyo.
Maxamuud Muuse Xassan(BBC) oo u dhaqdhaqaaqa bulshada Soomaalida qaar ahaan qaxootiga, ayaa arrimahaas uga warramay Axmed Badar